Ahlusuna-Waljamacaa oo sheegay in ay ka go,antahay gacan ku dhigista Magaalada Beledweyne.

 

 

Gelinkii dambe ee shalayto waxaa dagaal kharaar ku dhex maray duleedka magaalada Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan ciidamo kala taabacsan culimo udiinka Ahlusunna iyo maamulka Dooxada shabelle ee gacanta ku haya magaalada beledweyne ee xaruunta Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid la isu adeegsaday hubka cul culus ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa mid aad u cuslaa, waxaana guulo kala sheegtay dhinacyadii ku dagaalamay duleedka magaalada Beledweyne in kastoo in aan ilaa hadda la xaqiijin xaqiida taagan.

Xafiiska warfaafinta ee maamulka Dooxada Shabelle waxaa ay sheegeen in ay dagaalkaasi guul muhiim ah ka gaadheen isla markaasna ay ku jebeyeen dhinicii ka soo horjeeday ee Ahlusunna Waljamaaca, wuxuuna xusay in dagaalku uu ka bilowday kadib markii uu fashilmay isku day dil oo lagu doonayey in lagu dilo Madaxweynaha Dooxada Shabelle.

Aadan Cabdulle Cawaale oo ururka ahlusunna u qaabilsan Gobolka Hiiraan ayaa dhankiisa waxaa uu xusay in ay ka go,an tahay in ay gacanta ku dhigaan guud ahaan Gobolka hiiraan iyo magaalada Beledweyne oo uu sheegay in ay haatan haystaan kooxda Dooxada shabelle uu ku tilmaamay Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shan ruux ayaa geeryootay kuwaasi oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii ku dagaalamay duleedka magaalada Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan waxaana jira tiro dhaawacyo oo inataasi ka badan, dadka deegaanka ayaa sheegaya in mar kasta la filan karo dagaal dhex mara dhinacyada dagaalamay.

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com