Beesha reer Cumar oo Baashi Cusub ku caleemo saartay Magaalada Garoowe.

Isinkan cusub oo lugu caleemasaaray Magaalada Garoowe ee caasumada dowlada Puntland gaar ahaana xarunta PSU ayaa waxaa Caleema saaratay Baashiga beesha Reer-Cumar,Waxaana ka soo qaybgalay Caleema Sarka isimkan Madax kala duwan oo ka socota isimada Puntland Dhaqanka,Qaybaha kala duwan ee Sugaanyahaniinta,Ururada Haweenka iyo Madax kale.


Beesha ayaa waxay si buuxda ugu Ducaysay inuu haatan wixii ka damaya Yahay isimada beesha Baashe Cabdilaahi Maxamuud Aw-Cismaan,Waxaana siwayn u soo dhowayey Waxgaradka kala duwan ee Maamulka iyo qaybaha kale ee bulshada waynta iyadoo Halkaasi ay ka Hadleen isimo Puntland Qaarkooda Mihiimka ah sida Islaan ciise islaan maxamed islaan muuse oo ka mid ahaa isimada sida wayn ugu ducayey Xaflada Caleema Saarka isimkan Cusub ee Beesha Reer-Cumar.

Waxaa Halkaasi ay Golaha dhaqanka ee dhinaca Sugaantu ka Muujiyeen iyo Guud ahaanba qaybihii kala duwanaa ee ka soo qaybgalay Caleema Saarka´isimkan ay muujiyeen kalsooni buuxda,Waxaana Ducada iyo Caleema Saarka isimkani ay ku soo adaysaa xili ay baahi u qabtay beeshu Hogaanka dhanka isimka oo aysan beryihii u damayey lahayn taasi oo Fududaynayso arrimo farabadan oo ku aadan kaalinta isimkani beeshu karamaysey Masuuliyiinta Dowlada oo Wasiiro iyo Madaxwayne ku-Xigeenkuna Goob joog ka ahayeen.

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com