UN-ka oo beeniyey in Dowlada Ereteria hub ka dejisay magaalada Baydhabo kaas oo ay ku taageeryaan Al-shabaab.
 
 
 
Golaha amaanka ee qaramada Midoobey ayaa muddo waxaa ay wadeen baaritaabo ku aadan wararka sheegayey in dowlada Ereteria ay hub iyo diyaarado rasaas ah ay ka dejisay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, dabayaaqadii sanadkii tegay, kadib eedayn ay soo jeedisay dowlada Kenya.

Guddiga la socodka arimaha Ereteria iyo Kenya ee Qaramada Midoobey ayaa markii ugu horaysay waxaa ay ka hadleen arintaasi waxaana ay beeniyeen in Dowlada Ereteria ay Al-shabaab ku taageertay hub iyo rasaas isla markaana ay ka dejisay magaalada Baydhabo dabayaqaadii 2011.

Guddigu waxa ay been abuur ku sheegeen warkii ka soo yeeray Dowlada Kenya ee lagu sheegayey in diyaarado dagaal oo hubsida ay ka degeen magaalada Baydhabo, taasi oo ay mar kale cuna qabatayn ku mutaysatay Ereteria kadib markii ay ka fariisteen Golaha amaanka bishii Desember ee sanadkii tegay.

Bogga internetka ee Africa Review oo soo daabacay warbixintaan ayaa waxaa uu sheegay isagoo soo xiganaya gudii loo saaray eedaynta Ereteria waxaa uu sheegay in aysan arintaasi sax ahayn oo ahayd mid lagaga been abuurtay Dolwada Ereteria oo dhowr jeer oo hore iyaduna beenisay warkaasi.

Beyene Russom oo ah wakiilka Ereteria u qaabilsan Kenya ayaa mar kale dalbaday in loo baahan yahay baaritaano rasmi ah oo cadaalad ku salaysan in mar kale lagu sameeyo arinta lagu soo eedeyey dalkiisa Ereteria ee sheegaysa in ay hubayeen kooxda dagaalka lagula jiro ee Al-shabaab.

Dowladda Eritrea ayaa billowgii bishii November ee sanadkii tagay beenisay warar lagu baahiyay saxaafadda oo sheegayay inay shixnado hub ah u dirtay maleeshiyada al-Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com