|
Weeraro Bambooyin ah oo ka dhacay Beledweyne iyo Bandowe lagu soo rogay magaladaasi
Magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka hiiraan waxaa xalayto ka jiray bandow ay soo rogeen ciidamada maamulka Dooxada shabelle waxaana ciidamada maamulkaasi ay gaaf wareegayeen gudaha magaalada Beledweyne ee xaruunta Hiiraan.
Weeraro Bambaanooyin ah ayaa waxaa lagu weeraray saldhiga magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan maamulka Dooxada shabelle in kastoo uusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaasi.
Kadib Bambooyinka lagu weeraray saldhiga magaalada Beledweyne ayaa waxaa si toos ah markiiba howgalo ka bilaabay xaafadaha magaalada ciidamada Dooxada shabelle kuwaasi oo dadka ku amray in ay isaga xeroodaan guryahooda, oo aysan socon magaalada dhexdeeda.
Ilaa hadda dhab ahaan looma oga cida ka danbeysan weerarka, waxaana jiray howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyay oo ay wadaan ciidamada amaanka oo ilaa xalay ku howlanaa sidii loo heli lahaa dadkii weerarkaasi fuliyay.
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa xiligan waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah oo ay wehliyaan kuwa maamulka Dooxada Shabeelle, iyadoo ciidamada Itoobiya saldhigooda ugu weyn uu yahay xarunta maamulka gobollka Hiiraan.
jamhuuriyah@hotmail.com

|