Aroornimadii hore ee ee saaka waxaa dagaal kharaar ku dhex maray magaalada Buuhoodle ciidamada maamulka Soomaaliland iyo malayshiyo deegaankaasi u dhashay, dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib markii ay weerar soo qaadeen ciidamada maamulka Soomaaliland.
Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isu adeegsaday sida aan wararka deegaankaasi ka imanaya aan ku hayno, waxaana dagaalka ka dhashay khasare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaadhay dhinacyadii ku dagaalamay deegaankaasi Buuhoodle.
12-ruux ayaa geeryootay 20-kalena waa dhaawcmeen kuwaasi oo ka tirsan dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Buuhoodle waxaana masuul u hadlay dhinaca Buuhoodle uu sheegay in ay ciidamadii Soomaaliland ay ka saareen gudaha magaalada Buuhoodle oo uu haatan dagaalku ku socdo meel aad uga fog magaalada.
Faysal Faarax oo ku sugan Buuhoodle kana tirsan malayshiyada magaaladaasi kula dagaalantay ciidamada Soomaaliland isagoo u waramayey BBC-da waxaa uu sheegay in ay guul ka gaadheen dagaalkaasi oo ay jebiyeen ciidamadii Soomaaliland waxaana dhinacooda uu sheegay in ay ka dhinteen 4-ruux halka ay ka dhaawcmeen sideed kale.
Waxaa kaloo uu xusay in ay dagaalkaasi ku qabsadeen gaadiid dagaal oo kala duwan oo ay ka qabsadeen ciidamada Soomaaliland, dhinaca kale Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliland oo isna BBC-da la hadlay wuxuu sheegay in ay magaalada qabsadeen balse aysan gudah u sii gelin magaaladaasi.
Meel 10-KM u jirta ayaa la sheegay in ay magaalada ka joogaan ciidamada Soomaliland halkaasi oo uu haatan dagaalku ka socdo sida wararka madaxa banaan aan ku helayno, waxaase xaqiiqo rasmi ah lag hayn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac in kastoo Soomaaliland ay sheegtay in laga dhaawaca afar ruux oo ka tirsan Askartooda.
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanayo ayaa shalyto waxaa uu sheegay in shirka Taleex uu yahay mid ka dhan ah jiritaanka maamulka Soomaaliland, waxaana loo malaynayaa in dagaalka maanta uu ka dambeeyey kadib hadalkii shalayto jeediyey Siilaanyo, ugu dambayntii waxaa jiro Gurmado kala duwan oo soo kala gaadhay labbada dhinac ee maanta dagaalantay.