Maamulka Soomaaliland ayaa xabsiga dhigay koox weriyaal ah oo ka howgelayey warbaahinta maamulkaasi iyo kuwa debedda uga baxsan, howl wadeenadaasi oo haatan ku xiran xabsiga magaalada Boorame ee Gobolka Owdal.
Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa horay waxaa ay xabsiga u dhigeen weriye ka shaqaynayey TV-ga Royal 24, kaasi oo la sheegay in ay soo eedeeyeen urur samafal oo ka howlgala deegaanka Boorame.
Laamaha amaanka ee Soomaaliland ayaa sidoo kale shalayto waxaa ay xabsiga u taxaabeen laba weriye oo kale, kuwaasi oo u shaqaynayey Wargeysyada Waaheen, Saxafi ee ka soo baxa gudaha Soomaalialnd in kastoo aan la ogayn u jeedada loo xiray.
Cali Ismaaciil Aare iyo Maxamed Cumar Sheekh oo u kala shaqeeya wargeysyada Waaheen iyo Saxafi iyo Yuusuf Indho-qurux oo Boorame uga soo warrama Telefishinka Royal 24, ayaa lagu sheegay magacyada weriyaasha u xiray maamulka Soomaalialnd.
Magaalada Laascaanood ee xaruunta Gobolka Sool ayaa dhowaan waxaa ciidamada Soomaaliland ay ku xireen weriyaal ka howlgelayey warbaahinta deegaankaasi, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ka shaqayeen amaan xumidda deegaanka in kastoo markii dambe la sii daayey.