Xiriiriyaha arimaha bini'adantinimo ee qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mark Bowden oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey xaalada ka jirta geeska Afrika, waxaana uu xusay in ay jirto macuul iyo duruufo aadantinimo oo ka jira wadanka geeska Afrika ee Soomaaliya.
Mr, Bowden waxaa uu shaaca ka qaaday in ay wadamada beesha caalamka ay Gargaar soo gaarsiiyeen gudaha dalka soomaaliya taasi oo uu ku tilmaamay in ay yaraysay macuulishii ka jirtay Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay masuulkaan ka tirsan UN-ka eh.
Dhinaca kale Bowden waxaa uu xusay in ay haatan jiraan in ka badan 250 ku noo ruux oo macaluul ku haysato qaybo ka mid ah Gobollada dalka, waxaase uu sheegay in ay UN-ku bixiyeen Dalag ay beertaan dadkaasi oo loo baahan yahay in ay ka faa,iidaystaan roobabka ka da,ay qaybo ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya.
Waxaa uu soo hadalqaaday in ay Qaramada Midoobey dalbatay lacag dhan 1.5 Milyan taasi oo uu sheegay in loo qorsheeyey in xoolo loogu iibiyo Soomaalidii ku xoolo beeshay abaarihii darnaa ee ku dhuftay Gobolka Geeska Afrika.
Mark Bowden waxa uu hami wanaagsan ka muujiyay in hay’adda Laanqeyrta Cas ay dib uga howlbillawdo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in shaqa joojinta dhowaan ay ku dhowaaqday ICRC ay tahay mid aan rasmi aheyn.