|
Al-shabaab iyo Ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwa Ithopia oo ku dagaalamay buundada Liiqliiqato.
Magaalada Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan waxaa dagaal kharaar ku dhex maray Kooxda Al-shabaab iyo isbahaysiga Ithopia, Dowlada KMG ah iyo Dooxada Shabelle oo isku dhinac ah.
Dagaalkan u dhexeeyey dhinacyadaasi ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu ka dhashay kadib markii weerar lagu soo qaaday fariisimo ay Ciidamada Ithopia iyo kuwa Dowlada KMG ah ay ku leeyihiin gudaha magaalada Beledweyne gaar ahaan Buundada liiqliiqato.
Inta badan dagaalka lixaadiisa ayaa waxaa uu ka dhacay aaga Buundada liiqliiqato waxaana jira khasaare soo kala gaadhay labbada dhinac in kastoo aan ilaa hadda la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay gudaha magaalada Beledweyne.
Dhinaca kale ciidamada Dowlada Ithopia ayaa waxaa ay gelinkii dambe ee shalayto baaritaano ay ka sameeyeen gudaha magaalada Beledweyne waxaa ay ku soo saareen hub kala duwan iyo miinooyinka dhulka lagu aasay oo la dhigay meelo muhiim u ah marinadooda.
Dadka deegaanka gaar ahaan kuwa Beledweyne ayaa waxaa ay sheegeen in magaalada Beledweyne si weyn looga dareemay dagaalkii dhex maray labbada dhinac waxaana jira dad rayid ah oo wax ku noqday, balse ilaa hadda kama aysan hadlin dhinacyadii dagaalamay.
jamhuuriyah@hotmail.com

|