Dr, Faroole iyo xubno uu horkacayo oo u amba baxay dooxada Dharoor ee Gobolka Bari.
 
 
 
 
 
Madaxweynaha Maamulka Puntland Abdirahman Faroole iyo wefdi balaadran oo uu horkacayo ayaa maanta waxaa ay u amba bexeen dhinacaas iyo dooxada Dharoor ee Gobolkaasi, halkaasi oo ay ka bilaabmayaan qodista shidaal laga helay dooxadaasi.

Dr, Faroole iyo wefdigiisa ayaa la sheegay in uu safarkoodu ku salaysan yahay in ay dooxada dharoor ay xariga kaga soo jaraan ceel laga qodayo gudaha dooxadaasi oo ah mid shidaal sida la shaaciyey.

Safarka waxaa ku weheliya xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo qayb ka tirsan baarlamanka Puntland, waxaana la filayaa in ay maanta si toos ah u bilaabato qodista ceelkaasi marka uu madaxweynuhu xariga ka jaro kadib.

Madaxweynaha Puntland Abdirahman Faroole ayaa horay waxaa uu uga hadlay arinta Dooxaada dharoor isagoo sheegay in ay rajo weyn ka qabaan in lagu guulaysto qodista ceelkaasi shidaalka ah ee ka bilaabmaya dooxada ku taala Gobolka Bari ee dharoor.

Dhawaan ayaa masuuliyiinta Puntland u qaabilsan arimaha shidaalka ay sheegeen in la helay ceelkaasi oo laga helayo 2 Million oo Bermiil, waxaana ay si toos ah daaha uga roogeen in hadii shidaalkaasi la soo saaro in wax weyn looga qaban doono dhinacyada horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha.

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com