|
Ciidamada Ahlusunna oo maanta awood ku soo furtay baabuur ay dhowaan ka dheceen kooxo dablay ah.
Ciidamada Culimo Owdiinka Ahlusunna waljamaaca ee Gobolka Galguduud ayaa maanta gelinkii hore waxaa ay howgal baaxad leh ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi, xili ay baadi goobayeen baabuur dhowaan lagala goostay Ahlusunna.
Koox ka tirsan ciidamadii howgalka waday ayaa waxaa ay la kulmeen kooxo dablay ah oo ay baadi goobayeen kuwaasi oo saddex maalmood ka hor dhacay baabur ay leeyihiin culimada ahlusunna, waxaana dhex maray iska hor imaad labada dhinac ee ahlusunna iyo dablaydii.
Ahlusunna ayaa waxaa ay ku guulaysteen in ay soo qabtaan baabuurkaasi laga afdubtay dhowaan waxaana jiray khasaare dhaawaca saddex ruux oo dad rayid ah kuwaasi oo wax ku noqday dagaalkii dhexmaray Ciidamada labada dhinac.
C/raxmaan Cali Geedo-qoroow oo ah Gudoomiyaha Maamulka Ahlusuna ee gobolka Galguduud oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin dhibaato sidaasi u buuran oo ka dhacay degmada, isagoo tilmaamay inay xaliyaan waxyaabaha kale ee ka dambeeya arrimahaasi.
Dadka degan gobolka Galguduud gaar ahaan deeganada ay ka taliyaan Ahlusunna ayaa soo dhoweeyey howgalada ay ahlusunna kula dagaalamayaan kooxaha dablayda ah ee dhaca u geysta dadka rayidka ah ee ku dhaqan Gobolkaasi.
jamhuuriyah@hotmail.com

|