Madaxweynaha Galmudug oo kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka Galmudug.

 

 

 

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa maalintii shalay aheyd kulan looga hadlayay sidii loo xoojin la haa amaanka deegaanada Galmudug wuxuu la yeeshay Odayaasha dhaqanka ee beelaha taageera Maamulka Galmudug.
 

Madaxweyne Caalin ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug ee koonfurta Magaalada Gaalkacyo wuxuu kulan diiradda lagu saarayay adkeynta ammaaka kula yeeshay Odayaal dhaqameedyada Galmudug. 

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay odayaasha dhaqanka  ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo siyaasiyiin ruug cadaayaal ah oo si weyn looga yaqaano dalka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Gen, Cabdiqeybdiid iyo Prof, Maxamed Faarax Jimcaale.

 

Madaxweyne Caalin oo kulanka ka hadlay ayaa wuxuu ku dheeraaday muuhiidda ay lee dahay nabad galyada, isgoona Odayaasha dhaqanka u soo jeediyey dhliilo ku aadan  in aanay sidii la rabay ula shaqaynin maamulkiisa, isagoona xusay in talada iyo howlaha laga qabanayo deegaanada galmudug ay Odayaashu ku lee yihiin kaalin mug leh taasoo uu sheegay in loo baahan yahay inay wada shaqeeyaan Maamulka iyo Odayaash dhaqanku.
 
Sidoo kale Odayaasha dhanka ayaa sheegay inay  maamulka kala shaqeynayaan sidii loo xoojin la aha amaanka galmudug, iyagoona sheegay inay ka hortagi doonaan wixii wax u dhimaya deegaanada galmudug.

 

Sidoo kale waxayaabihii kulanka looga wada hadlay ayaa waxaa  ka mid ahaa sidii wax looga qaban la aha xiisado ka dhashay dad rayid ah oo ay toogteen ciidama booliska galmudug kadib howl gallo ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo dhow todobaad ka hor, waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac ay isku afgarteen in si deg deh ah wax looga qaban doono dhacdadaasi.

 

Sikastaba ha ahaatee Kulankanka dhexmaray Madaxweynaha Galmudug iyo Odayaasha dhaqanka ayaa ku soo beegmaya xilli deegaanada galmudug uu ka jiro khilaaf siyaasadeed uu dhexeeya hogaaanka sare ee Maamulka, inkastoo ay ay jiraan dadaalo fara badan oo ka soconya galmudug oo lagu doonayo in lagu dhameeyo muranka ka dhex aloosan masuuliyiinta Galmudug.

 

Xaafiiska Jamhuuriyah Gaalkacyo

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com