|
Madaxweyne Faroole oo sheegay in lagu guulaystay heli taanka shidaalkii laga baarayey dooxada dharoor.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr, Abdirahman sheekh Maxamed Maxamuud faroole ayaa isagoo ku sugan magaalada Bosaso waxaa uu ka hadlay baaritaano shidaal oo ka socday qaybo ka mid ah deeganada Puntland.
Md, Faroole oo la hadlayey idaacada BBC-da waxaa uu si qoto dheer uga hadlay shidaalka laga baarayey deeganada Bari ee Puntland gaar ahaan dooxada Dharoor waxaana uu tilmaamay in lagu guulaystay helitaanka shidaalkaasi.
Mar uu ka hadlay baaritaankii dheeraa ee ku socday shidaalkaasi ayaa waxaa uu Madaxweynuhu sheegay in ay ku guulaysteen in ay sugaan amaanka goobta laga baarayey isla markaasna ay xaqiiq rasmi ah ka heleen meelaha shidaalkaasi ku jiro.
Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in ay haatan bilaabayaan qodi taanka shidaalkaasi loo soo saarayo deeganada Puntland waxaana uu intaasi raaciyey hadii ay shidaalka dharoor soo saaraan in ay u wareegi doonaan dhankaasi iyo dooxada Nugaal oo lagu sheegay shidaal fara badan.
Ugu dambayntii Madaxweynaha Puntland oo wax ka taabtay waxa ay ku qaban doonaan shidalkaasi hadii la soo saaro ayaa waxaa uu sheegay in ay Dowladu ay wax weyn kaga qaban doonto kaabayaashe dhaqaale ee la doonayo in la dhiso sida Garoomada diyaaradaha iyo in la sameeyo wadooyin cusub oo caalami ah.
jamhuuriyah@hotmail.com

|