Ceelkii ugu horeeyey ee shidaal laga qodayo oo maanta xariga lagaga jaray dooxada Dharoor

 

 

 

Madaxweynaha Puntland Dr, Abdirahman Faroole ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyey Dooxada dharoor halkaasi oo maanta daaha looga rogay ceelkii ugu horeeyey ee shidaal kaaasi oo qodniinkiisa uu ka bilaabmay gudaha deeganada Puntland.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Wasiiro ka tirsan Puntland oo gaaraya ilaa 10-wasiir xilibaano oday dhaqameed iyo dad rayid ah sidoo kale waxaa meesha ka hadlay madaxda shirkadaha African Oil iyo Range Resources kuwaasi oo iyagu mashruuca fulinaya.

Masuuliyiinta shirkadaha howsha fulinaya ayaa waxaa ay sheegeen in ay Puntland u soo samirtay arintaani isla markaasna aysan ku iman hal maalin oo keliya arintaani, waxayna sheegeen in arintaani dadaal dheer loo soo galay isla markaasna haatan la filayo in ay guul ku dhamaato.

Dr, Abdirahman Faroole Madaxweynaha Puntland ee haatan ayaa khudbad dheer ka jeediyey isagoo xariga ka jarayey qoditaanka ceelkaasi shidaalka wuxuuna goobta ka sheegay in arintaani ay muhiim u tahay dadka reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed intaba waxaa kaloo uu xusay in arintaani ay faa,ido ugu jirta dadka wax soo bartay.

‘’Hadii aanu helney dad hantidoodi,nafsadoodi iyo wakhtigoodi noo hurey oo hawshan ogolaadey inay qabtaan,inaga waxaa nagu soo aadey in nabadgelyado helaan,sabur yeelano sida nalaga codsadey ,wadashaqayna inaan muujino waa muhiim’’ ayuu yiri Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole.

Masuuliyiinta goobta ka hadlay iyo Madaxweyne Faroole intaba waxay si toos ah shaaca uga qaadeen in dhowaan ay dadka reer Puntland ay si toos ah uga bixi doonaan wax waydiisiga, wuxuuna horay u sheegay Faroole in la dhisi doono wadooyinka isla markaasna la horumarin doono dadka reer Puntland marka shidaal la helo.

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com