|
DRC War Murtiyeed: Dad Soomaaliyeed oo wax ku ool ah oo awoodooda isugu geeyey sidii ay ku xalin lahaayeen afduubkii loo geysatay DDG
Dad Soomaaliyeed oo wax ku ool ah oo awoodooda isugu geeyey sidii ay ku xalin lahaayeen afduubkii loo geysatay DDG Koox dad ah oo Soomaaliyeed oo wax ku ool ah ayaa awoodooda isugu geeyey sidii ay u dar dar gelin lahaayeen siideynta shaqaalaha gargaarka ee laga afduubay qeybta miino baarista ee hey’ada qaxoontiyada ee Dhenishka ah. Iyadoo la kaashanaya ficilo iyo taageero buuxda, waxa ay kooxdani dul dhigi doonaan cadaadis kuwa wax afduubay sidii loo heli lahaa siideyn bilaa sharuud ah oo ku dhacda si nabad ah.
Kooxdan 11ka qof ee wax ku oolka ah ee ka soo jeeda Cadaado, Badhtamaha Soomaaliya, waxa ay isugu jiraan, siyaasiyiin, odayaal iyo hoogaamiye dhaqameedyo ka soo jeeda deegaanka. Kooxdan ayaa waxa ay ka go’antahay in ay wax ka qabtaan iyo in ay raad raacaan siideynta labada shaqaale ee qeybta miino baarista ee hay’ada qaxoontiyada ee Dheenishka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (DDG), kuwaas oo la afduubay 25 Octoobar iyagoo maraaya Gaakacyo, badhtamaha Soomaaliya.
“Taageerada ay geystaan bulshada deegaanka waa lagama maarmaan waxaanay fure u tahay siideynta Jessica iyo Poul. Dadka isu tagay ee cusub iyo kuwo la mida ah oo ka jira Gaalkacyo, waxay matalaan qabaa’ilo kala duwan, bulshada deegaanka iyo maamulada Soomaalida ee ka taliya meelaha lagu hayo Jessica iyo Poul. Sidaas darteed waa arin muuhiim ah in ay awoodoodu isugu geenayaan in ay gacan ka geystaan in la xaliyo afduubkan,” waxaa sidaas tidhi Ann Mary Olsen, madaxa qeybta caalamiga ee hey’ada qaxoontiyada ee Dheenishka.
Kooxdan dadka ay ee isu tagay waxa ay ka go’an tahay in ay isku duwaan dadaalada heer degaan hoose iyo mid gobolba ee badhtamaha Soomaaliya, waxaana la abaabuli doonaa mudaharaadyo. Waxaa intaas dheer in bulshada laga codsaday in ay soo sheegaan dadka wax afduubay isla markaana kor u qaadaan dareenka ku wajahan samaaneyta xun ee ay leedadhay cawaaqibta ka soo baxda afduubka shaqaalaha gar gaarka beniaadanimo.
Jessica Buchanan oo ah gabadh 32 jir ah iyo Poul Hagen Thisted oo 60 jir ah waxa la afduubay iyagoo maraaya magaalada Gaakacyo ee badhtamaha Soomaaliya. Labadan shaqaale waxa ay ku mashquul sanaayeen kormeerida halwgalo gargaar baniaadanimo oo ka socday gobolka, markaas oo ay afduubeen niman hubeysan.
“Waxa la ii sheegay in mar labaad ay suurto gashay in lala xidhiidhay Poul iyo Jessica, waxaanaan ku nafisay in aan ogaano iyo labadooduba wanaagsan yihinn marka loo eego xaaladan aadka u qalafsan.” Waxaa sidaas tishi Ann Mary Olsen, iyadoo ku mahadineysa taageerada balaadhan ee ay geysteen bulshada Soomaaliyeed.
“Poul iyo Jessica waa shaqaali naftooda u huray gar gaar beni aadanimo waxaaney Soomaaliya u imaadeen in ay caawiyan dadka rayidka ay ee dhibaateysan. Tani waa fariintayada aan la wadaageyno dadyawga kala duwan een aan kala shaqeyno gargaarka badhtamaha Soomaaliya. Dadka geystay falalka waa in ay ogaadaan in afduubka shaqaalaha gargaarka beniaadanimo ay tahay mid aan marnaba la la aqbali karin isla markaana ku ah caqabad dadaalada beniaadanimo. Siideyn bilaa sharuud ah ayaa ah mid muhiim u ah in uu sii socdo gargaarka bani aadanimo ee degaankan.”
Hay’ada qaxoontiyada ee Dheenishka iyo qeybteeda miino baarista, DDG, waxay ay ka bixnayeen gargaar baniaadanimo Soomaaliya ilaa 1998dii. Waxaa cunto bisil la siiyaa maalin walaba in kabada 100,000 oo ah dad ku barakacsan magaalada Muqdishu, badbaado iyo gabook guryo ayaa oo la socda gargaarka beni aadanimo, waxaa kor loo qaadaa oo la hagaajiyaa noloshooda iyagoo lala shaqeenaayo bulshada Soomaaliyeed lana isticmaalayoo mashaariic lagu horimarinaayo beeraha, waxaa kaloo dadaal dheeraad ah la geliyaa badqabka bulshada iyadoo laga caawinyaa in laga guro miinooyinka iyo waxyaalaha qarxa ee ah haraadiga degaalada.
Iyadoo la tixgalinayo amniga labada shaqale gargaarka ee afduuban, Hey’adda Qaxootiga ee Dheenishka ma bixin kato xog dhaafsiisan intaa marxaladda lagu jira awgeed.
Wixii suaalo saxaafadda la xariira waxa lagu hagajin karaa xafiiska Hey’adda Qaxootiga ee Dhenishka ee Copenhagen.
jamhuuriyah@hotmail.com

|