Maamulka Dooxo State oo taageeray Maamulka Khaatumo State of Somalia.‏

 

 

Dhammaan madaxda maamulka dooxostate waxay Hambalyo & Taageeraba u dirayaan maamulka cusub ee looga dhawaaqay Degaanka Taleex, waxayna leeyihiin waa guul usoo hoyatay ummadda  Somaliyed gaar ahaan kuwa SSC, Waxaana ugu baaqaynaa Maamulada laderiska ah inay xushmeeyaan maamulka cusub, si uu dadkiisa uga gudbiyo marxaladan adag ee xiligan dalku kujiro.

 

Dhinaca kale maamulka dooxostate wuxuu u balanqaadayaa walalahooda khaatumostate inuu kala Qayb-qaadanayo dhinac walba sidii maamulkaasi iskugu taagi lahaa cagihiisa.

 

Beesha Maxamud Hiraab (DUDUBLE) ayaa horey u taagertay shirkii khaatumo2, waxayna beeshu ku tala jirtaa inay wafdi heer sare ah udirto degaanada SSC si ay indhahooda ugu soo arkaan xaaladab degaanadaas, lana qaybsadan walalohod dhib iyo dheefba.

 

Maamulka Dooxostate wuxuu ugu baaqayaa shaqsiyadka u kaharay maamulada kale ee laderiska ah Khaatumostate of Somalia inay dadkooda dhinac karaacan, ayna gacan siiyaan maamulka cusub.

 

Khaatumo state of Somalia waxaan kula dardaarmaynaa inay kadhigaan maamulkaas mid balaaran oo ay kawada qaybqaatan dadka degaanadas wadadegaahi.

 

Dooxo state waxay u rajaynaysaa maamulka cusub ee beelaha dega Sool Sanag & Cayn inuu noqdo mid Soomaliya u horseda Khaatumo Fiican.

 

Hambalyo    Hamabalyo Hambalyo

       

Xoghaya Xiriirka Caalimaga ee DS Dr.Mohamud Ahmed Jamac

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com