Madaxweynaha Puntland oo lagu eedeyey in uusan sidii masuul uga hadlin arinta dadka ka soo barakcay Koonfur.
 
 
 
Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Maamulka Puntland Axmed Guure oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay hadal dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha maamulka Puntland Dr, Abdirahman Faroole.

Axmed Guure waxaa uu sheegay in Madaxweyne Faroole uusan sidii masuul uga hadlin arinta dadka barakacyaasha ah, taasi oo uu ku sheegay in ay ahayd mid colaad ka dhex abuuri karta dadka soomaalida ah waxaana uu mar kale ku celiyey in uu hadalka Faroole ahaa mid ayaan darro ah.

“Waxaa weeye mucjiso, sababtoo ah waxay ku tahay, arinkaasi arin caqli gal ah mahan, arin nin wayn ku hadlona maahan oo Mas’uul ah, arinkaasina arin ay dadku qabaan maaha, anaga Somali waa nahay, nimba meeluu daganyahay hadana waxa waaye in meel aan wax ku qeebsano, la yiraahdo lama imaan karo iyo lama soo mari karo, mana jirto, arinkaasina maahan mid ay dadku ku raacsan yihiin Faroole”  Axmed Guure.

Axmed Guure waxaa uu dib u milicsaday taariikhdii 1991-kii wuxuuna xusay in wakhtigaasi ay dadkii muqdisho ka cararay ay dhisteen maamulka haatan la yiraahdo Puntland, waxaana uu sheegay in uusan Faroole waxba ka ogayn wixii dhacay iyo dadkii ka tegay muqdisho, balse uu hadalkiisa haatan iska leeyahay

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com