|
Proff, Galayr " shirka Taleex waa mid looga hadlayo danaha SSC, Soomaaliland waa in ay garataa danaheeda oo aysan soo fara gashan arimaha shirkaasi"
Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shalayto ka hor hadlayey golaha wakiilada ee maamulkaasi ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay shirka magaalada Taleex oo uu ku sheegay mid lagu manja xaabinayo maamulkaasi.
Ra,isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Proff, Cali khaliif Galayr oo goob joog ka ah shirka ka socda magaalada Taleex ayaa waxaa uu si kulul uga halday hadalkii ka soo yeedhay Md, Siilaanyo kaasi oo lagu sheegay in shirka Taleex uu yahay mid ka dhan ah amaanka iyo xasiloonida iyo jirintaanka Soomaaliland.
Proff, Galayr waxaa uu sheegay in shirka ka socda Taleex uu yahay mid cidna wax lagu yeelayn hadii ay noqon lahayd Soomaaliland ama meel kaleba wuxuuna xusay in shirkaasi yahay mid dadka degan Gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn ay uga tashanayaan arimahooda horumarineed.
Maamulka Soomaaliland wuxuu ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan in ay soo fara gashtaan shirka Taleex oo haatan meel habsami leh maraya, xili hadalka Madaxweyne Siilaanyo laga dhan dhansaday in Soomaaliland ay talaabo ka qaadi doonto shirkaasi ka socda Taleex.
“Somaliland ma is hortaagi karto Maamulka ay sameesanayaa muwadiniinta gobolda Sool Sanaag iyo Cayn shirka Taleexna kuma xad gudbayo xaquuq Maamul kale” Proff Galayr.
Madaxweynaha Soomaaliland Siilaanyo shalayto sidoo kale waxaa uu dhaliil u jeediyey TV-ga caalamiga ah Hon Cable oo uu sheegay in uu yahay mid meel kaga dhacay qaranimada Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay, balse waxaa isla xalay albaabada loo laabay xaruunta TV-gaasi ee Hargaysa.
jamhuuriyah@hotmail.com

|