Magaalada Galkacayo dhinaceeda koonfureed oo saldhig u ah maamulka Galmudug waxaa waayadan ka socday waan waan baaxad leh oo lagu dhex dhexaadinayey golaha baarlamanka maamulkaasi iyo Madaxda sar sare oo uu ka dhexeeyey khilaaf muddo jiitamayey.
Baarlamanka Galmudug ayaa waxaa ay horay u shaaciyeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin kadiba Madaxweyne Caalin ayaa waxaa uu isna kala diray Golihiisa wasiirada, taasi oo sii dhalisay khilaaf baaxad leh.
Masuuliyiin ka yimid magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay waan waan ka dhex bilaabeen Madaxda maamulka Galmudug waxaana la gaadhay heshiis rasmi ah oo ay ka soo qayb galeen Madaxda sar sare ee maamulkaasi oo uu qayb ka yahay Maxkamada sarre kaasi oo ka dhacay Hotelka Embasy ee Galkacayo.
Qoddobadii ka soo baxay heshiiska ayaa sidan u qoran.