Laba ruux oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Guriceel iyo ciidamada Ahlusunna oo gacanta ku dhigey ragii ka dambeeyey.

 
 
 
 
Maagalada degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa xalayto waxaa ka dhacay qarax lala eegtay goob maqaaxi ah oo lagu caweeyo oo ku taala magaaladaasi bartamaha magaalada Guriceel ee Gobolka Galguduud.

Laba ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen, goobta qaraxa lala eegtay, waxaana isla markiiba howl gal sameeyey ciidamada Ahlusunna ee deegaankaasi.

Masuul ka tirsan maamulka Ahlusunna ayaa sheegay in ay qabteen nin ka mid ah dadkii qaraxa meesha dhigay, kaasi oo haatan su,aalo lagu weydiinayo gudaha saldhiga dhexe ee magaalada Guriceel ee Galguduud.

Wuxuu sheegay masuulkaani in ay ku raad joogaan nin kale oo isna ka mid ahaa dadkii qaraxa meesha dhigay, kaasi oo ay haatan ku raad joogaan ciidamada Ahelusunna waljamaaca ee magaaladaasi maamula.

Masuulkaasi ka tirsan Maamulka Ahlusunna ee degmada Guriceel waxuu kaloo sheegay in qaraxyadaasi ay ka dambeeyaan Al-shabaab oo uu dagaal kala dhexeeyo Ahlusunna, waxuuna itaasi raaciyey in haatan laga bilaabo ay adkayn doonaan amaanka deeganada ay gacanta ku hayaan Ahlusunna-Waljamaaca.

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com