Ingiriiska oo xeebaha Soomaaliya ka qabtay 13-Burcad badeed Soomaali ah.

 
 
 
Maraakiibta dagaalka ee wadamada Maraykanka iyo England ayaa waxaa ay howgal baaxad leh oo ay ku qabqabteen kooxo Burcda badeeda ah waxaa ay ka fuliyeen xeebaha Badweynta Hindia oo ay ku sugan yihiin maraakiib dagaal oo ay leeyihiin ururka NATO.

Wasaarada Gaashaandhiga ee Ingiriiska ayaa soo saartay in maraakiibteeda dagaalka ee ku sugan xeebaha Badweynta Hindia ay qabteen 13-burcad badeed Soomaali, kuwaasi oo watay doon nooca dheeraysa ah iyo hub kala duwan oo laga helay doontaasi marka la qabtay.

War-bixinta ka soo baxday wasaarada Gaashaandhiga ee England waxaa lagu sheegay in doonta dheeraysa ee Burcad badeedu wateen loo diray fariin deg deg ah loona sheegay in ay istaagto balse ay diiday in ay istaagto waxaana kadib si wadda jir ah howgalka u fuliyey markab laga leeyahay England iyo mid kale oo laga leeyahay maraykanka.

Ingiriisku waxay sheegeen in ay hareereeyeen oo ay kadib qabteen kooxaha Burcad badeeda ah waxaana war-bixinta ka soo baxday England lagu sheegay in ay arintaani muujinayso awooda Dowlada England, iyo sida ay uga go,antahay la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ah.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa waxaa ay sii waddaan howgaladooda ay ku doonayaan in ay ku qafaashaan maraakiib ganacsi oo maraya xeebaha Caalami ah ee Badweynta hindia iyo kuwa Badda cas waxaase inta badan la dagaalama kooxahaasi maraakiib shisheeye oo ay leeyihiin ururka NATO.

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com