Mr, Swan " Khilaafka Baarlamanka wuxuu dib u dhac u yahay in tastuur la sameeyo, iyo in la hirgeliyo qorshaha Road Map-ka"

 
 
 
Dowlada Maraykaka ayaa waxaa ay walaac xoogan ka qabtaa xaalada ka dhextaagan xilibaanada Baarlamanka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku sheegtay in ay hor istaagi karaan hor u socodka qorshe howleedka Road Map-ka, arimaha Tastuurka la samaynayo.


Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr, James Swan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumada dalkiisa ay walaac ka qabto in uu lumo wakhtiga loogu tala galay qorshe Road Map-ka.

James Swan waxaa uu daaha ka rogay in xilibaanada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya inta ay isku mashquulsan yihiin in ay beesha caalamka ku mashquuli doonto xaaladooda, waxaase uu sheegay in loo baahnaa in haatan laga wada tashado sidii loo horumarin lahaa Road Map-ka iyo weliba arinta Tastuurka.

Khilaafka u dhexeeya mudanayaasha Baarlamanka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu yahay waxaan loo baahnayn, bedelkeeda wuxuu ku sheegay khilaafkaasi in uu yahay mid dib u dhac aan yarayn u keenaya arimaha Tastuurka iyo in loo gudbo Dowlada rasmi ah oo Federal ah.

Urur gobolleedka IGAD ayaa iyagu waxaa ay si rasmi ah ugu adkeysteen in uu Gudoomiyaha Baarlamanka yahay muddane Shariif Xasan Sheikh Aadan kaasi oo ay ku kacsan yihiin inta badan mudanayaasha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya, in kastoo aan weli ay taagan tahay mushkilada khilaafka keentay.

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com