Gadiidka dagaalka cirka ee wadanka Kenya ayaa shalayto duqayn ba,an waxaa ay ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe taasi oo ay guul ka sheegtay ciidamada Kenya iyagoo xusay in ay ku dileen dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-shabaab oo fadhiisimo ku lahaa deegaankaasi.
Warbaahinta Soomaalida ayaa xaqiijiyey in ay dhinteen shan ruux oo u badnaa caruur aan qaan gaarin kuwaasi oo ku sugnaa gurigooda, waxaana aabaha dhalay caruurtaasi oo ku sugan magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyihii hore ee Jilib uu sheegay in ay dhamaantood ahaayeen caruurtiisa marka laga reebo ilmo kale oo banaanka ka yimid.
Reerkaasi ku rogmaday magaalada Jilib ayaa waxaa ay dhamaantood ahaayeen hal qows marka laga reebo aabahii dhalay oo ku sugnaa Muqdisho iyo hooyadii dhashay oo iyadana ku maqnayd dhnkaas iyo suuqa magaalada Jilib, waxaa kaloo khasaare ka soo gaadhay dad rayid ah oo iyagana ku sungaa gudaha magaalada.
Emmanuel Chirchir Afhayeenka ciidamada Milatariga ee dowladda Kenya ayaa waxa uu sheegay in duqaymahaasi ay ku dileen dagaalyahaano ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo uu sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad 10, isagoo sheegay in tira kalana ay dhaawaceen.
Kenya waxaa ay sheegtay in ay baaritaano ku samayn doonto wararka sheegaya in ay gadiidka dagaalka ee Kenya ay duqeeyaan goobo khaldan oo ay ku sugan yihin dad shacab ah, taasi oo dhowr jeer oo hore lagu eedeyey waxaana ay hadda ka hor dad rayid ah ku xansuuqeen deegaanka Husungow ee Gobolka Jubbada Hoose.