Kenya oo shaaca in qabashada Kismaanyo ay u taalo Beesha Caalamka.‏
 
 
 
 
 
Dowlada wadanka Kenya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay howgalkeeda ku aadan magaalada Kismaanyo ee xaruunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay shaacisay in aysan haatan qorshaha ugu jirin in ay weerar ku qaado magaalo xeebedka Kismaanyo.

Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga ee wadanka Kenya Mr, Yuusuf Haaji oo la hadlay wargayska The East Afrikan ayaa waxaa uu si toos shaaca uga qaaday in aysan haatan dowlada Kenya doonayn in ay howgalkeeda ku qaado magaalada Kismaanyo.

Yuusuf Haaji waxaa uu sheegay in Kenya ay u baahan tahay taageero baaxad leh oo ay ka hesho beesha Caalamka inteeda kale, taasina ay tahay mida keenaysa in Dowlada Kenya ay howgalkeeda ku hakiso halka ay haatan joogaan ciidamadeeda.

Wuxuu ugu baaqay waddamada beesha Caalamka ay gacan mug leh ka geystaan howgalka ay Dowlada Kenya ka waddo gudaha dalka Soomaaliya, wuxuu mar kale ku celiyey in ay beesha Caalamka u taalo sidii howgal looga fulin lahaa magaaladaasi Kismaanyo.

Dowlada Kenya sidoo kale warka ka soo baxay waxay ku sheegtay in u jeedada dhabta ah ee Kenya ay tahay in ay soo qabato magaalada Kismaanyo balse arintu u xayiran tahay dhaqaale, waxayna sidoo kale ku xuseen warbixintooda in Kenya ay haatan ku dadaashay in ay xuduuda ka fogayso kooxda Al-shababaab.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa waxa uu muujiyay in Kenya lagu qasbay inay Soomaaliya gasho iyadoo difaacaysa dalkeeda, laakiin aysan u socon inay dhul la wareegto ama ay ka taliso.

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com