|
Puntland oo si kulul ugu canbaaraysay Soomaaliland werarkii Buuhoodle iyagoona taageero u fidiyey maamulka Khaatumo State.
Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeeyey waxaa uu ka hadlay dagaalkii dhowaan uu ciidamada Soomaaliland ku soo qaadeen magaalada buuhoodle ee xaruunta Gobolka Cayn, halkaasi oo dagaal khararar ku dhexmaray maleyshiyo deegaanka ah iyo ciidamada Soomaaliland.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo warbaahinta kula hadlay Dooxada Dharoor ee gobolka Bari ayaa waxaa uu si kulul u canbaareeyey maamulka Soomaaliland oo dagaal ku soo qaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Libaax joore waxaa uu sheegay in ay canbaaraynayaan maamulkaasi sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday in Puntland ay taageer san tahay dadka deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn hadii ay dhistaan maamul iyo hadii kaleba, wuxuuna sheegay in ay Puntland tix gelinayso rabitaanka shacabka.
Waan ka xunahay in Soomaaliland ay kusoo duusho,magaalo la qabsado ma oglin,waana ka xunahay in Soomaliland ay kusoo duusho magaalada Buuhoodle….ayuu yiri Libaax Joore.
Wuxuu ku tilmaamay duulaan gardarro ah weerarka ay Soomaaliland ku soo qaaday Buuhoodle wuxuna sheegay in ay taariikhda u geli doonto maamulka Soomaaliland isagoo sheegay in ay dhowaan si deg deg ah u soo saari doonaan warbixin ay kaga hadlayaan arintaasi.
Ciidamada Dowlada Soomaaliland ayaa dagaal waxaa ay ku soo qaadeen magaalada Buuhoodle horantii todobadkan, in kastoo aakhirkii la sheegay in ay laga saaray ciidamadii Soomaaliland ee weerarka soo qaaday, waxaana arintaani ay ku soo beegmaysaa xili deeganadaasi looga dhawaaqay maamul cusub oo loo bixiyey Khaatumo State.
jamhuuriyah@hotmail.com

|