Ciidamada Dowlada ee Gobolka Geddo oo walaac ka mujiyey mushahar la,aan la soo deristay in ka badan lix bilood.‏

 
 
 
 
 
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jirto mushahar la,aan baaxad leh oo la soo deristay ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya kuwooda gobolka Geddo, taasi oo ay cabasho ka muujiyeen ciidamadu.

Horjoogayaasha ciidamada Dowlada KMG ah ee gobolka Geddo ayaa waxaa ay sheegayaan in uusan jirin wax mushahar ah oo ay ka helaan dhanka Dowlada KMG ah, waxaana ay sheegeen in ay wataan oo keliya magaca Dowladnimo.

Colow, Warfaa oo ka mid ah taliyaasha ciidamada Dowlada ee gobolka Geddo waxaa uu sheegay in uusan jirin wax mushahar ah oo ay ciidamadu qaateen muddo haatan laga joogo lix bilood, taasi oo uu ku tilmaamay in ay caqabad ku noqon karto ciidamada Dowlada iyo howgaladooda.

Dhinaca kale masuulkaan ka tirsan ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya waxaa uu iftiimiyey in ay dhowr jeer ciidamada Dowlada Kenya kala hadleen duqaynta loo geysanayo kooxda Al-shabaab, taasi oo uu sheegay in ay wax ku noqdaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

"Ciidamada Kenya dhowr jeer ayaan kala hadalnay in la joojiyo duqaynta, mana jirto duqayntaasi wax looga qaadi karo Al-shabaab, waxaana ugu baaqnay Al-shabaab ha loo weeraro fool ka fool taasina ma suurta gelin" Coll, warfaa.

Ra,isal wasaaraha Soomaaliya Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan markii uu ka amba baxayey magaalada Muqdisho waxaa uu soo hadal qaaday in ay mushaharkii qaateen Ciidamada Dowlada KMG ah ee ku sugan Gobollada Geddo iyo Jubooyinka.

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com