Bank Moon oo xukuumada Abuja kala hadlay in ay ka qayb qaadato howgalada nabad soo celinta Soomaaliya.‏

 

 

 

 

Xooghayaha guud ee Qaramada Midoobey Banki Moon oo booqasho ku tegay magaalada Abuja ee xaruunta wadanka Nigeria ayaa waxaa uu masuuliyiinta dalkaasi kala hadlay arimo dhowr ah oo Soomaaliya khuseeya.

Bank Moon safarkiisa uu ku tegay dalkaasi Nigeria ayaa waxaa uu ku salaysnaa sidii dalkaasi ay uga qayb qaadan lahaayeen howlaha ka dhanka ah Al-shabaab ee Soomaaliya iyo weliba sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalkaasi geeska Afrika.

Ban ki Moon ayaa waxa uu si gaar ah u la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Nigeria Olugbenga Ayodeji Ashiru kaasi oo uu kala hadlay sidi dowladda Nigeria ay u taageeri laheyd howlgalka militari ee ka socda dalka Soomaaliya kaasi oo lagula jiro Xarakada Al Shabaab.

Xooghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxaa sidoo kale waxaa uu dalbaday dar dar gelinta arimaha Road Map-ka, barnaamijkaasi oo uu ku tilmaamay in uu yahay midka keliya ee Soomaaliya ku hagi kara wadda nabada waxuuna mar kale ka codsaday Nigeria in ay ciidamo u diraan gudaha Soomaaliya.

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com