Maamulka Puntland ayaa dhowaan waxaa uu shaaca ka qaaday in ay xaruun weyn ka furan doonaan magaalada Baargaal ee Gobolka Bari taasi oo ay degi doonaan ciidamada iyo weliba shirkada dhinaca amaanka qaabilsan ee Saracen.
Waxgaradka iyo cuqaasha deegaankaasi ayaa markii ugu horaysay waxaa ay ka hadleen imaantinka shirkadaasi Saaracen ee Baargaal waxaana ay ku tilmaameen in ay tahay shirkadaasi mid Mafiyo ah isla markaasna aysan suurta gal ahayn in ay timaado gudaha magaalada Baargaal.
Nabadoon Saalax Muse Burkac oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu si qotodheer ugu nuux nuuxsaday in aysan dadka deegaan kaasi aysan marnaba doonayn in ay shirkadaasi timaado gudaha magaala xeebeedka Gobolka Bari ee Baargaal.
" Saracen awood uma lahan in ay timaado Baargaal waxaan u sheegaynaa dadka wad wadda in ay Saracen keenayaan Baargaal hala socdeen in ay Baargaal iyo Bosaso kala yihiin labba Maamul oo kala duwan, waana midda loo baahan yahay in lala socdo" Nabadoon Bukac.
Waxaa uu sheegay nabadoonku in ay magaalada Baargaal haatan tahay magaalo degan oo uu maamul ka dhisan yahay, waxaana uu sheegay in aysan bulshada magaalada Baargaal aysan marnaba yeeli doonin in ay magaaladaasi yimaadaan shirkadaasi oo uu sheegay in ay tahay mid macdanta gurata.
Madaxweynaha Puntalnd Dr, Abdirahman Faroole oo ka hadlayey xaflad balaadhan oo uu ku soo bandhigayey sanad guuradii saddexaad ee wakhtigii uu xilka qabtay ayaa waxaa uu sheegay in magaalada Baargaal la geyn doono barnaamijyo horumarineed oo ay ka mid tahay shirkada Saracen oo tababarta ciidamada Badda balse lagu eedayo in ay macdanta gurato.