Ciidamada Amaanka Gobolka woqooyi Bari Kenya oo qabtay laba nin oo ku eedaysan dilal ka dhacay Gaarisa.‏

 

 

 

Laamaha Amaanka ee wadanka Kenya kuwooda Gobolka Woqooyi Bari ayaa waxaa ay baaritaano muddo socday ku soo qabteen laba dhilan yaro kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen dad lagu laayey magaaladaasi Gaarisa.

Leo Nyongesa Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Woqooyi Bari ayaa xaqiijiyey in ay booliska magaalada Gaarisa soo qabteen labadaasi ruux, kuwaasi oo gacanta lagu soo dhigay kadib baaritaano dhowr ah.

Taliyaha Nyongesa waxaa uu sheegay in ay haatan ku hayaan raggaasi saldhiga dhexe ee booliska magaalada Gaarisa halkaasi su,aalo lagu
weydiinayo, waxaana uu xusay in dadka la qabtay ee la eedaynayo in ay yihin Soomaali.

Taliye Leo Nyongesa ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee gobolka, wuxuuna shacabka u soo jeediyay inay taxadaraan, ayna ka qeyb qaataan howlaha lagu sugayo ammaanka.

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com