Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo loo samaynayo gole deegaan iyo maamul rasmi ah.‏

 
 
 
Gelinkii dambe ee shalayto waxaa magaalada Boosaaso ee xaruunta Gobolka Bari ka amba baxay wefdi balaaran oo uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Bari iyo xubno ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasi oo ku sii jeeda Bariga fog ee Puntland.

Wefdiga uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Bari ayaa waxaa u amba baxayeen magaalada Qandala ee ku taala dhanka Bari ee Puntland, waxaana la sheegay in ay halkaasi u tageen arimo dhowr ah oo ay ku jirto sugida amaanka deegaankaasi iyo in maamul loo soo sameeyo.

Magaalada Qanadala oo ah magaalo qadiimi ah ayaa la sheegay in halkaasi loo soo samayn doono maamul iyo golle deegaan maxaa yeelay waa yadan ma aysan jirin golle deegaan oo halkaasi ka jira, sidoo kale waxay sheegeen wefdigaasi in ay dadka deegaanka kala soo hadli doonaan sugida amniga.

Dadka ku dhaqan magaalada qanadala ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay dhowr jeer oo hore cabasho ka muujiyeen maamulka haatan ka jira deeganada Puntland ee uu horkacayo madaxweyne Faroole kaasi oo ay sheegeen in uusan deegaankaasi soo gaadhsiiyeen mashaariicdii ay xaq u lahaayeen ee horumarineed.

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com