Hay,ada xuquuqda aadanaha ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo Human rights Watch ayaa waxaa ay dhaliil kulul u jeedisay Dowlada Kenya ee ay ciidankeedu joogaan gudaha wadanka Soomaaliya.
HRW oo xuruunteedu tahay magaalada New York ee wadanka Maraykanka ayaa waxaa ay soo saartay warbixin dheer oo ay kagaga hadashay arinta Soomaaliya iyo duqaynta ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha dalka soomaaliya.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay duqayntooda Soomaaliya wax ku yeeleen dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyagoo sheegaya in ay la dagalaamayaan Al-shabaab, waxaana ay ugu baaqday hay,adu in kenya looga baahan yahay in ay joojiso dhibaatada dadka aan waxba galabsan.
Sidoo kale warbixinta hay,ada waxaa lagu qeexay in ciidamada Kenya ay dad rayid ah wax ku yeeleen Gobolka woqooyi Bari kenya, halkaasi oo ay ciidamadu inta badan ka sameeyaan howagalo, waxaa ay sheegtay in ay jiraan Kufsi, Jir dil, iyo dhac ay ciidamada kenay u geysteen Soomaalida gobolkaasi.
Hay,ada Human rights Watch waxaa ay hadda ka hor soo saartay dhaleecayn kulul oo ay jeedisay Dowlada Kenya kadib duqaymo lagu laayey dad rayid ah oo aan waxba galabsan waxaana hay,adu xustay in ay fulin doonto baaritaano lagu samaynayo meelaha la duqeeyey.