|
Qaramada Midoobey oo ka digtay geeri la soo derista Kumanaan ruux oo macaluul daran ku hayso Soomaaliya.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa mar kale waxaa ay ka hadleen xaalada abaarta Soomaaliya kadib markii la sameeyey baaritaan sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday xafiiska UNIPOS ee qaramada Midoobey.
U qaybsamaha Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya Mr, Bowden ayaa mar kale Toddobaadkan dhexdiisa waxaa uu ka hadlay xaalada wadanka Soomaaliya iyo macuulsha waxaana uu sheegay in ay jiraan dad badan oo helay gargaar iyo kuwa kale oo aan helin gargaar ku filan.
Bowden waxaa uu shaaca ka qaaday in ay jiraan in ka badan 10,000 oo ruux oo xaalad culus ku jira gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo u baahan gargaar deg deg ah sida uu ku xusay warbixin ka soo baxday xafiiskiisa.
Uqayb samuhu wuxuu sheegay in gudaha wadanka Soomaaliya ay ku dhibaataysan yihiin dadkaasi oo ay macuul daran haysato, wuxuuna hadalkiisa ku sii daray in ay qarka u saaran yihiin geeri waa sida uu hadalka u dhigaye Mr, Bowden.
Dhowaan waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey iyo beesha caalamka ay ku guulaysteen arintii gargaarida dadka Soomaalida ah, in kastoo uu warbixintaasi ku sheegay in ay jiraan dad gaadhay 250-kun oo ruux oo aan helin gargaar ku fulan, wuxuu kaloo sheegay kumanaan ruux ay sii yeeen dalag kala duwan.
jamhuuriyah@hotmail.com

|