Sedax Suxufi oo lagu xiray Somaliland xakun la’aan Maxkamadeed

 

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) waxuu si aad ah uga welwelsan yahay sii socoshada weerarada ka dhanka ah suxufiyiinta ee ay booliska Sooomaaliland ku xireen si isxigta laba suxufi magaalada Boorame arbacadii lasoo dhaafay 11. 01. 2012, iyo dhacdadii kale ee
weriyer u shaqeeya Universal Telefishin si aan sharci aheyn oo aanan xakun maxkamadeed loo cuskan loogu xiray magaalada laascaanood ee Gobolka Sool maalintii afaraad.

Cali Aareeye oo u shaqeeya wargeyska waaheen oo fadhigiisu yahay magaalada Boorame iyo Maxamed Cumar oo isna u shaqeeya wargeyskaSaxafi wakiilkoodii Boorame ayaa arbacadii lagu xiray abaarahii 0:1: PM oo duhurnimo, weriyayaashan ayaa waxaa xiray Ciidamada Booliska ee
Soomaliland, degmada Boorame ee gobolka Awdal, saxafiyiintan ayaa lagu xiray xarunta dembi baarista ee CID ee Boorame, Weriye Maxamed Cumar aya shalay dib u helay xoriyadiisii maalinimadii khamiista 12, 01, 2012 xukun la’aan, iaydoon aan si sax ah loo ogeyn cidii ka dambeysay xariga weriyahaasi.

Waaheen iyo Saxafi waa labo wargeys oo madaxbanaan kana soo baxa magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.

Si kastaba ha ahaatee Cali Aareeye wakiilka wahaan ee Magaalada Boorame waxaa loo xiray gelinkii hore ee Khamiistii isagoo sawiro ka qaadaya kaalin shidaal oo uu leeyahay Madaxweyne kuxigeenka Soomaaliland C/Raxmaan Cabdulaahi Ismaaciil oo loo yaqaan SEYLICI,
sida aan ka soo xiganay Ururka suxufiyiinta Soomaaliland SOLJA oo aan wada shaqeyn leeyihiin Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ.

Waxay aheyd in khamiistii maxkamada la hor keeno weriyaha wargeyska Waaheen, balse dib ayaa loo dhigay Sidoo kale Cabdiqani Xasan Faraax oo loo yaqaan QADARI ahna weriye uga
soo warama telefishinka UNIVERSAL magaalada Laascaanood ayaa weli ku jira saldhiga dhexe ee laascaanood ee gobolka Sool maalintii afaraad, iyadoon wax xukun maxkamadeed ah oo la mariyay aysan jirin, Qadari waxuu NUSOJ u sheegay xarigiisa ka hor in wasiirka warfaafinta ee
Soomaaliland uu amar ku siiyay duqa magaalada Laascaanood in la hayo illaa inta maxkamad laga soo saarayo.

NUSOJ waxay ka walaacsan tahay cabsigelinta ka dhanka ah Suxufiyiinta ee ay sameynayaan Ciidamada Booliska ee Somaliland, ma ahan dembi sawir laga qaado kaalin shidaal iyo faragelinta cad ee lagaga soo hor jeedo xoriyatul qowlka, waxaan ugu baaqeynaa maamulka Soomaaliland xariga aan xadka laheyn ee suxufiyiinta iyo xabsiga sharci darada ah.
 

“xariga is xigxiga ee ka dhanka ah Suxufiyiinta ee ay sameynayaa Booliska Somaliland si aan ruqsad maxkamadeed aheyn waa cabsi gelin lagaga soo horjeedo Suxufiyiinta tebinaya warar aysan raali ka aheyn maamulkoodu” sidaa waxaa yiri Xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibrahim, waxa uuna intaa ku daray “ waxaan ka dalbaneynaa maamulka Somaliland
inay sii daayaan suxufiyiinta xiran ama ay maxkamad soo taagaan”.

Sidoo kale Ururka Suxufityiinta Qaran ee Soomaaliyeed iyo Ururka ay wada shaqeynta leeyiohiin ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliland SOLJA waxay Garyaqaan u qabteen weriyaha Royal TV ee magaalada Boorame ku xiran Yuusuf Cali, kaas oo ay Boolisku ku xireen magaalada Boorame
08, 01, 2012, kadib markii lagu eedeeyay inuu qoray qormo ku saabsan musuqmaasuq lagu sameeyay mashruuc gobolka Awdal uu ka fulinayay NGO maxali ahi.

Maxakamda Degmada Boorame ayaa u jartay xarig muddo 45 cisho ah oo lagu sii heynayo jeelka inta baaristiisu soo idlaaneyso si loo horkeeno Maxkamad maalinimadii 10, Janaayo, 2012

 

Mogadishu, Somalia, Tel: +252 1 859 944,
e-mail: nusoj@nusoj.org.so / newsletter@nusoj.org.so
Internet: http://www.nusoj.org.so

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com