Ciidamada Dowlada ee Jubbada Hoose oo qabtay hub iyo sahay loo wadday Al-shabaab.‏

 

 

 

Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay howgal baaxad leh ka fuliyeen deegaanka Shibirey ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku soo qabteen raashin iyo hub loo waday kooxda Al-shabaab.

Wararka aan ka helayno deegankaasi Shibirey ee ku dhow deegaanka Qooqaani ayaa waxaa ay sheegayaan in ay ciidamada Dowladu qabteen saddex gaari-dameer oo raashin, 11-qori oo AK47 ah, iyo weliba lix nin oo la socotay.

Col. Mukhtaar Sheekh Cabdi oo ah sarkaalka hoggaaminayay howlgalkaasi  ayaa sheegay in ragga la qabtay ay yihiin 5-ka tirsan Al-shabaab iyo qof rayid ah oo la shaqaynayey, waxaana uu sheegay in haatan dhamaan gacanta lagu hayo qalabkii iyo ragii ka tirsanaa Al-shabaab.


Masuulkaan ka tirsan Dowlada KMG ah ma sheegin  halka laga keenay hubkan iyo sahayda raashiinka ah ee loo waday maleeshiyada al-Shabaab, basle waxaa uu shaaciyey oo keliya in la hayo haatan.

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com