Mr, Sidii " Al-shabaab hadii aan la gala dagaalmin shabeelaha hoose waxay mar kale abuuri karaan awood xoog leh"‏

 
 
 
Gobolka shabeelaha Hoose ee Soomaaliya ayaa waxaa isugu yimid ciidamo badan oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo ka soo cararay Gobollo dhowr ah oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamadaasi ka tirsan Al-shabaab.

Maamulka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya u qaabilsan gobolkaasi Shabeelaha Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ka dayriyeen xaalada gobolkaasi waxaana ay sheegeen in ay Al-shabaab awood weyn ku yeelan karaan hadii aan wax laga qaban xaalada kooxdaasi.

C/qaadir Max’ed Nuur (Siidii) oo ah Gudoomiyaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya u qaabilsan Gobolkaasi shabeelaha hoose ayaa waxaa uu dalbaday in diyaaradaha beesha caalamka iyo kuwa dalalka deriska ah ay duqayn ka geystaan gobolkaasi isla markaasna ay bartilmaameedsadaan fadhiisimaha Al-shabaab.

Gudoomiyuhu wuxuu xusay in ay kooxdu gobolkaasi isugu tagtay isla markaasna ay keeni karto hadii aan wax laga qaban in ay mar kale awoodooda soo abaabulaan oo ay gacanta ku dhigaan gobolkaasi iyo gobollo kale dhinaca kale mr, Sidii wuxuu xusay in ay la socdaan dagaal yahano ajaanib ah oo ka tirsan Al-qaacida.

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com