Gobolka Bari

 

Gobolka Bari wuxuu ku yaal Woqooyi-bari ee Soomaaliya. Gobolku wuxuu xudduud la leeyahay gobollada Sanaag, Nugaal, iyo Sool.

Dadka gobolka ku nooli waxay isugu jiraan xooloraacato, ganacsato, kalluumaysato iyo xinjiyeysato. Gobolku waa kan ugu baaxadda weyn gobolada Dalka. 

Gobolku wuxuu ka koobanyahay 6 degmo oo la kala yiraahdo: Boosaaso, Qandala, Caluule, Iskushuban, Benderbayla, iyo Qardho.

Boosaaso waa magaalo-madaxda gobolka. Degmooyinka Boosaaso iyo Qandala waxaa ku qabsan Badda Cas. iyo Badda Hindiya.

Degmooyinka Iskushuban, iyo Benderbayla waxaa ku qabsan Badda Hindiya.

 

                                             Gobolka Nugaal.

 

Gobolka Nugaal wuxuu ku yaal dhanka woqooyi-bari ee Soomaaliya. Wuxuuna Xudduud la leeyahay gobollada Mudug, Bari, Sool iyo Galbeedka Soomaaliya ee (Ogaden). Dadka gobolka ku nool intooda badani waa xooloraacato.

Gobolku wuxuu ka koobanyahay 3 degmo oo la kala yiraahdo: Goroowe, Eyl, iyo Burtinle.

Goroowe waa magaalo-madaxda gobolka. Degmada Eyl waxaa ku qabsan Badda Hindiya.

             

Gobolka Mudug.

 

Gobolka Mudug wuxuu ku yaal bartamaha Soomaaliya, wuxuuna xudduud la leeyahay gobollada Nugaal, Galguduud, iyo Galbeedka Soomaaliya ee (Ogaden). Dadka Gobolka ku nooli waxay isugu jiraan xooloraacato, ganacsato iyo kallmaysato, waxaase jira inyar oo xilliyada roobka beeraha tabcada.

Gobolku wuxuu ka koobanyahay 5 degmo oo la kala yiraahdo: Gaalkacyo, Jarriinab, Hobyo, Xarardheere iyo Goldogob.

Gaalkacyo waa magaalo-madaxda gobolka. Degmooyinka Jarriiban , Hobyo, iyo Xarardheere waxaa ku qabsan Badda Hindiya.

 

Gobolka Galguduud.     

 

Gobolka Galguduud wuxuu ku yaal bartamaha Soomaaliya, wuxuuna xudduud la leeyahay gobollada Mudug, Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galbeedka Soomaaliya ee (Ogaden).

Dadka gobolka ku nool intooda badani waa xooloraacato, waxaase jira inyar oo xilliyada roobka beeraha tabcada.

Gobolku wuxuu ka koobanyahay 5 degmo oo la kala yiraahdo: Dhuusa-Mareeb, Caabudwaaq, Ceelbuur, Ceeldheer iyo Cadaado.

Magaalo-madaxda gobolku waa Dhuusa-Mareeb. Degmada Ceeldheer waxaa ku qabsan Badda Hindiya.

 

                                   Gobolka Hiiraan.

                      

Gobolka Hiiraan wuxuu ku yaal bartamaha Soomaaliya, wuxuuna xudduud la leeyahay gobollada Galguduud, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Bakool, Galbeedka Soomaaliya (Ogaden).

Dadka gobolka ku nooli waxay isugu jiraan xooloraacato iyo beeraleey.

Gobolku wuxuu ka koobanyahay 3 degmo oo la kala yiraahdo: Beledweyne, Buuloburti iyo Jalalaqsi.

Beledweyne waa magaalo-madaxda gobolka. Dhammaan Saddexda degmo ee gobolka waxaa mara webiga Shabeelle.

 

Gobolka Shabeellada Dhexe. 

 

Gobolka Shabeellade Dhexe wuxuu ku yaal koonfurta Soomaaliya, wuxuuna xudduud la leeyahay gobollada,Galguduud, Hiiraan, shabeellada Hoose iyo Banaadir.

Dadka gobolka ku nooli waxay isugu jiraan xooloraacato iyo beeraleey.

Gobolku wuxuu ka koobanyahay 4 degmo oo la kala yiraahdo: Jowhar, Cadale, Aadanyabaal, iyo Balcad.

Jowhar waa magaalo-madaxda gobolka. Degmooyinka Balacd iyo Jowhar waxaa mara webiga Shabeelle.

Degmooyinka Aadanyabaal iyo Cadale waxaa ku qabsan Badda Hindiya.

 

 

Gobolka Banaadir ee Magaalo-madaxda Dalka Soomaaliya.

 

Gobolka Banaadir waxaa loo yaqaan magaalo-madaxda Soomaaliya iyo inta ay maamusho.

Gobolku wuxuu ku yaal xeebta Badda Hindiya ee koonfurta Soomaaliya.

Magaalo-madaxda dalka waxaa loo yaqaan Muqdisho iyo Xamar. Magaaladu waxay xuduud la leedahay gobobllada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada hoose. Dadka gobolka ku nooli waxay u badanyihiin ganacsato.

Gobolku wuxuu leeyahay 16 degmo (maamul hoosaad) oo la kala yiraahdo: Xamarweyne, Shangaani, Cabdulcasiis, Shibis,Hilwaa, Boondheere, Xamar-jabjab, Waaberi,Madiina Wardhiigley, Hodon, Hawlwadaag,Dayniile, Wadajir, Yaaqshiid iyo Kaaraan.

                       Gobolka Shabeellada Hoose.

 

Gobolka Shabeellada Hoose wuxuu ku yaal koonfurta Soomaaliya, wuxuuna xudduud la leeyahay gobollada Banaadir, Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Bay, iyo Jubbada Dhexe.

Dadka gobolka ku nool waxay isugu jiraan, beeraleey, kalluumaysato, xooloraacato iyo ganacsato.

Gobolku waa gobolka ugu degmooyinka badan dalka Soomaaliya, wuxuuna ka koobanyahay 7 degmo oo la kala yiraahdo: Marka, Qoryooley, Baraawe, Sablaale,Kurtunwaarrey, Wanlaweyn,iyo Afgooye.

Magaalo-madaxda gobolku waa Marko. Dhamaan degmooyinka oo aysan ku jirin Wanlaweyn waxaa mara webiga Shabeelle.

Degmooyinka Marka, Baraawe, Sablaale iyo Afgooye waxaa ku
qabsan Badda Hindiya.

                         Gobolka Jubbada Hoose

 

Gobolka Jubbada Hoose wuxuu ku yaal koonfurta Soomaaliya, wuxuuna xudduud la leeyahay gobolka Jubbada Dhexe iyo koonfur-galbeed Soomaaliya (N.F.D.).

Dadka gobolka ku nooli waxay isugu jiraan kalluumaysato, xooloraacato, ganacsato, iyo beeraleey.

Gobolku wuxuu ka koobanyahay 4 degmo oo la kala yiraahdo: Kismaayo, Badhaadhe, Afmadow, iyo Jamaame.

Magaalo-madaxda gobolku waa Kismaayo. Degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame waxaa mara webiga Jubba.

Degmooyinka Kismaayo, Badhaadhe iyo Jamaame waxaa ku qabsan Badda Hindiya.

                        Gobolka Jubbada Dhexe

 

Gobolka Jubbada Dhexe wuxuu ku yaal koonfurta Soomaaliya, wuxuuna xuddduud la leeyahay gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Hoose, Gedo, Bay, iyo koonfur-galbeed Soomaaliya (N.F.D.).

Dadka gobolka ku nooli waxay isugu jiraan xooloraacato iyo beeraleey.

Gobolku wuxuu ka koobanyahay 3 degmo oo la kala yiraahdo: Bu'aale, Jilib, iyo Saakow.

Magaalo-madaxda gobolku waa Bu'aale. Dhammaan degmooyinka gobolka waxaa mara webiga Jubba.

Degmada Jilib waxaa ku qabsan Badda Hindiya.

                                    Gobolka Bay

 

Gobolka Bay wuxuu ku yaal dhanka koonfureed ee Soomaaliya, wuxuuna xudduud la leeyahay gobolka Hiiraan, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

Dadka gobolka ku nooli waxay isugu jiraan xooloraacato iyo beeraleey.

Gobolku wuxuu ka koobanyahay 4 degmo oo la kala yiraahdo: Baydhabo, Qansaxdheere, Diinsoor, Buurxakabo.

Baydhabo waa magaalo-madaxda gobolka.
                                   Gobolka Gedo

 

Gobolka Gedo wuxuu ku yaal dhanka koonfur-galbeed ee Soomaaliya, wuxuuna xudduud la leeyahay gobollada Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, iyo labada xudduudood ee kala ah Galbeedka Soomaaliya (Ogaden) iyo koonfur-galbeed Soomaaliya (N.F.D.

Dadka gobolka ku nooli waxay isugu jiraan xooloraacato iyo beeraleey.

Gobolku wuxuu ka koobanyahay 6 degmo oo la kala yiraahdo: Baardheere, Garbahaarey, Luuq, Buulo-xaawo, Doolow, iyo Ceelwaaq.

Magaalo-madaxda gobolka waa Garbahaarey, Luuq iyo Doolow waxaa mara webiga Jubba
.
                                 Gobolka Bakool

 

Gobolka  Bakool wuxuu ku yaal dhanka koonfur-galbeed ee Soomaaliya, wuxuuna xuduud la leeyahay gobollada Hiiraan, Bay, Gedo iyo Galbeedka Soomaaliya (Ogaden).

Dadka Gobolka ku nooli waxay u badanyihiin xooloraacato, waxaase jira dad yar oo xilliyada roobka beeraha tabcada.

Gobolku wuxuu ka koobanyahay 5 degmo oo la kala yiraahdo: Xudur, Waajid, Ceelberde, Rabdhoorre, iyo Tayeeglow.

Magaalo-madaxda gobolku waa Xudur.
 

Dhamaad.

 

Inkastoo gobollada Dalka Soomaaliya ay ahaayeen 18 gobol Xilligii dalak ay ka talinaysay Xukuumadii Maxamed Siyaad ayaa hadana waxaa jira khilaaf ba'n oo ka taagan qaabka isku dheelitirka gobollada dalka loo magacaabay, iyadoo dad badani ay rumaysanyihiin in meelo badan oo buuxiyey ama ku haboonaa in gobol loo magacaabo laga tagay, sidookale meelaha qaar oo aan buuxin heer gobol ayaa iyana gobol laga dhigay.

 

Tusaale hadii aan u soo qaadano meel in gobol laga dhigo ku habooneyd oo laga tagay waxaa ka mid ah magaalada Berbera ee gobolka Woqooyi-galbeed oo haatan ka tirsan Somaliland.

 

Sidookale waxaa laga tagay Magaalada Hobyo oo la wada ogsoonyahay in ay tahay magaalo qadiimi ah xilli xilliyadii hore ka mid ahaana ay caasimad u hanaan jirtay deegaanno ballaaran oo ka mid ah Soomaaliya.

 

Inkastoo aan la soo koobi karin ilduufkii ku dhacay xukuumaddii Maxamed siyaad markii ay magcabaysay gobollada dalka ayaa waxaa ka mid ahaa meelihii aan marnaba la filyanin in laga tagayo isla markaana buuxiyey heer gobol Magaalada Ceelbuur oo ah magaalo haysta deegaan ballaaran isla markaana ka mid ah magaalooyinka qadiimigi ah ee xilliyadii hore dalka ka si weyn uga dhex muuqday.

 

Magaalooyin waxaa jiray si cad la isku daba marsiiyey  sida degmada B'uaale waxaa laga dhigay Magaalo-madaxda gobolka Jubada dhexe hallka laga tagay magaalada Jilib oo tobon laab ka weyn B'uaale isla markaana u jirt masaafo aad u yar.

 

Qoraalkeyga aan ku soo qaatay gobollada Dalka soomaaliya waxaan ka tagay oo aan ku soo darin qoraalka gobollo badan oo ka mid ahaa 18 kii gobol ay ka koobnaayeen Gobollada Dalka, sabababta aan ugu tagay iyo gobollada aan ka tagay waxay tahay waa sida soo socoto.

 

Waxaan ka tagay Gobollada Woqooyi-galbeed, Togdheer, Sanaag, Sool iyo Awdal.

 

Dhamaan goblladaan waxaa maanta loo yaqaan Somaliland, waxayna ka go'een Soomaaliya, inaksoo gobolo ka mid ah muran ka taaganyahay ka mid ahaan shaha Somaliland. Sikastaba ha ahaatee qoraalkeyga kuma soo darin anigoo ku tixgalinaaya sheegashadooda ah inay dalka ka go'een, maxaa yeelay waxaa haboon in wax kasta sida ay yihiin xaqiiqda looga sheego, waxaa laga yaabaa dad badan inay ka soo horjeestaan qoraalkayga ku aadan gobollada somaliland balse anugu waxaan tixgalyey rabitaanka inta badan ee dadka reer Soomaaliland.

 

 

Hadii aan ka gubdo argatiyada ku aadaneyd gobolladii hore ee Dalka, oo aan u soo laabto xilligaan oo la maryo 9/23/2011, shaki kuma jiro in hadii la helo dowlad cadaalad ku dhisan in dib u eegis ballaaran lagu samayndoono gobollada dalka.

 

Sidookale bur-burkii dalka waxaa jira gobollo badan oo aan wax u kordhin in ay wax kasii dhumaan maahane, waxaa jira gobollo 20 kii sano ee dalku dowlad la'aanta la' ahaa dhismay oo wax badan oo la taaban karo ku darsameen.

 

Waxaan Ilaahay ka rajeynayaa in uu deg deg noo siin  doono Dowlad Caadil ah oo aan gaari doono in qof kasta oo muwaadin ah uu codkiisa ka dhiiban doono Dalka Insha'allaahu.

 

wixii aragti iyo xog muhiim ah oo aad hayso fadlan ku soo dir E-mailkan.

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

www.jammuuriyah.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use