Hay,ada UNHCR ee qaramada midoobey u qaabilsan arimaha qaxootiga ayaa waxaa lagu wareejiyey qaar ka mid ah Soomaali tahriibayaal ah, kuwaasi oo ku xirnaa gudaha wadanka Libiya.
Saddex wiil oo Soomaali ah kuwaasi oo ka soo tegay wadanka Masar kuna sii jeeday wadanka Talyaaniga ah ayaa waxaa qabtay ciidamada Libiya xili ay khatar gashay doon ay la socdeen kadib dabaylo xoogan oo halis galiyey doontaasi oo maraysay badda dhexdeeda.
Nin warbaahinta la hadlay oo ka mid ah qaraabada wiilashaasi ayaa waxaa uu sheegay in ay ciidamada liibiya bilo ka hor wiilashaasi ku xireen magaalada Banqasi ee wadankaasi, balse haatan waxaa lagu wareejiyey hay,adaha UNHCR.
Sida laga soo xigtay ninka qaraabada la ah wiilashaasi waxaa uu sheegay in ay jiraan jir dil loo geystay wiilshaasi intii ay xirnaayeen balse haatan waxaa caadi ah caafimaadkooda, balse lama yaqaan UNHCR halka ay geyn doonto in kastoo ay markoodii hore ku sii jeedeen dhankaasi iyo Talyaaniga.