Taleex: Xubno loo magacaabay Golaha Madaxtooyada Khaatumo State

 

 

 

Degmada Taleex ee ka mid ah deg Mooyinka Gobolka Sool oo maamlmahaan ka socday shir ay isugu imaanayeen Waxgarad iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Ceyn shirkaas oo looga hadlayey sidi lagu yagleelilahaay Maamul Goboleed cusub oo loogu magac daro Khaatumo State ayaa waxaa halkaasi lagu dhawaaqay xubnihii hogaamin lahaa maamulka Goboleedka lagu dhawaaqay ee Khaatumo State.

Xubnaha lagu magacaabay shirka ayaa waxaa loo qeybiyey laba qeybood oo kala ah Golaha Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirada waxaana la sheegay in ay xilalkaasi ay haynayan 18 bilood si looga baxo xaalada adag ee lagu jiro waxaana ay dhan yihiin 9 xubnood 3 Golaha Madaxtooyada loo magacaabay iyo 6 Golaha Wasiirada ah waxaana kama dambeys loo dhaariyey xilalkooda.

Dhinaca kale Magaaalad Taleex ayaa waxaa si ku meelgaar ah loogu doortay Caasimada Maamul Goboleedka la magacbay Khaatumo State

Xubnaha loo magacaabay Golaha Madaxtooyada Maamulka Khaatumo State oo kala ah ah:

1) Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
2) Maxamed Yuusuf Jaamac (INDHO SHEEL)
3)Cabdinuur Cilmi Qooje (Biindhe)

Dhinaca Golaha Wasiiradda ee iyana la magacaabay waxa ay kala yihiin sidaa:

1)Xasan Salebaan Jaamac Wasiirka xiriirka caalamiga ah
2)Maxamed Ducaale Cabdi Wasiirka Wasaaradda amniga qaranka
3)Cismaan Axmed Jeex Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
4)Cabdikariim Faarax dhaaye Wasaaradda horumarka iyo khayraadka
5)Maxamed Diiriye Cabdi Wasiirka Wasaaradda adeega iyo arimaha bulshadda.
6)Yaasiin Axmed sulub Wasiirka Arimaha gudaha.

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com