|
|
Wasiirdda Arrimaha Haweenka ee Dowladda KMG ee Soomaaliya oo soo gaartay Magaalada Gaalkacyo.
Wasiirdda Arrimaha Haweenka iyo Qoyska ee Xukuumadda KMG ee Soomaaliya Marwo Maryan Uweys Jaamac iyo wefti ballaaran oo ay hogaaminayso ayaa shalay galinkii dambe ka soo degay gegada Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyagoona ka soo kicitimay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, halkaasi oo ay uga qeyb galeen shir looga hadlayey arimaha haweenka Puntland.
Wasiirad Maryan ayaa booqasho kooban oo la xiriirta arrimaha Haweenka shalay ku timid Malaada Gaalkacyo waxaana si diirran oo aan kala har la hayn ugu soo dhaweeyey Uururda Haweenka Galmudug iyo Puntland, kuwaasi oo ka kala yimid dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo, waxayna ku labisnaayeen calanka Jamhuuriyadda soomaaliya, iyagoona ruxayay caleemo qoyan ayaa waxaa ay safnaayeen hareeraha Garoonka si ay u soo dhaweeyaan wasriiradda Arrimaha Haweenka ee Xukuumadda KMG ee Soomaaliya.
Wasiiradda oo saxaafadda kula hadlaysay gudaha Garonka ayaa waxa ay sheegtay in socdaalkeedu uu la xiriiro arimo badan oo khuseeyo haweenka ku dhaqan gobolka oo ay ka mid tahay sidii ay Ururada Haweenka Puntland iyo Galmudug ay u yeelan la ahaayeen hal urur oo ay ku midaysan yihiin iyo inay Magaalada Gaalkacyo ka furto Xaafiis ay lee dahay Wasaaradda Arrimaha Haweenka ee DKM ee Soomaaliya.
Weftiga ay hogaaminayso Wasiiradda ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Caasho Cumar Geesdiir iyo Xubno kale, waxaana weftiga loo soo galbiyey dhanka Magaalada iyagoona Kulamo ku saabsan arrimaha Haweenka iyo Qoyska la qaatay guud ahaan Uururada Haween ee ka jira Magaalada Gaalkacyo.
jamhuuriyah@hotmail.com

|
|