UNHCR oo daaha ka qaaday in dhibaatooyin bini'adantinimo ay ka jiraan xeryaha qaxootiga aduunka weyn ee Dhadhaab.‏
 
 
 
 
Hay,ada qaxootiga aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo UNHCR ayaa waxaa ay shaacisay in ay walaac ka qabto dhibaatooyinka la soo dersay dadka ku nool xeryaha Kenya ee Dhadhaab, iyo falalka amni daro ee ka taagan xeryahaasi.

War ka soo baxay xaruunta hay,adahaasi ay ku leedahay magaalada Geneva ee wadanka Swezerland ayaa waxaa lagu sheegay in ay jiraan dhibaatooyin isugu jira Amni daro, dhac, iyo weerarada is daba jooga ah ee lagu hayo dadka ku nool xeryahaha Dhadhaab.

Afhayeen u hadlay UNHCR waxaa uu sheegay in ay dhibaatooyinka ugu badan ee ka jira Dhadhaab ay la soo dersaan dadka Soomaalida waxaana uu qeexay in ay qaraxyada iyo weerarada is daba jooga ah ay wax ku noqdaan dadka qaxooti ah oo aan waxba galabsan.

Masuulkaani waxaa uu hadalkiisa sii raaciyey in ay jiraan falalka ka baxsan xuquuqda Bini'adantinimo in lagu hayo dadka ku nool xeryahaasi Dhadhaab oo ah tan aduunka ugu weyn ee qaxooti waxaana la sheegayaa in ay xeradaasi ku jiraan 460 kun oo ruux.

Hay,adu waxaa sidoo kale ka hadashay qaraxyada iyo amaan darida ka jirta xeryahaasi oo keenaysa in aysan dadka qaxootiga ah helin caawimo ku filan, waxaanawarbixinta UNHCR lagu xusay in xeradaasi Dhadhaab lagu laayey Askar Kenyaan ah sidoo kale lagu afduubtay shaqaale u shaqaynayey MSF.

 

jamhuuriyah@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

jamhuuriyah@hotmail.com ama webmaster@jamhuuriyah.com